Booliiska dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo Heshiis kala saxiixday (Sawirro)

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Xijaar oo booqasho ku jooga magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, ayaa kulan gaar ah la qaatay  dhiggiisa dalka Itoobiya General Damelesh Garbamichel.

Labada taliye ayaa kulankooda uga wada hadlay arrimo dhoor ah ay kamid yihiin sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada ciidan iyo sidii ay isku dhaafsan lahaayeen xogaha dhinaca amniga .

Kulanka kaddib ayaa taliyaasha booliiska Soomaaliya iyo kan Itoobiya waxa ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi dhinaca amniga ah iyo sare u qaadista tababarada aqoonta booliiska labada dal.

Hay’adaha ammaanka Soomaaliya madaxdooda ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ku qulqulayay dalka Itoobiya, waxa ayna heshiisyo kala duwan la saxiixdeen hay’adaha ammaanka Itoobiya sida Nabad sugida, booliiska iyo milatariga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleGanacsade Soomaaliyeed oo lagu afduubtay Johannesburg iyo Booliiska oo Baadigoob wada