Qaraxyo baco lasoo galiyay oo caawa Muqdisho iyo Booliiska oo war kasoo saaray

Magaalada Muqdisho qeybo kamid ah caawa waxaa laga maqlay dhawaqyada qaraxyo qal qal badan galiyay shacabka, waxaana kala carar uu ka dhacay goobaha ay qaraxyadaasi caawa ka dhaceen.

Goobaha qaraxyada caawa laga maqlay waxaa kamid ah agagaarka isgooska Dabka ee waddada Maka Al Mukarama, waxaa sidoo kale qaraxyada ka dhaceen qeybo kale oo magaalada kamid ah.

Waxaa jira khasaaro dhaawacyo ah oo la sheegay in qaraxyada qaarkood ee caawa ka dhacay Muqdisho ka dhasheen, goobjoogayala ayaana sheegay in aabbe iyo carruurtiisa qaraxtada ku dhaawacmeen.

War kasoo baxay ciidanka booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in qaraxyadii caawa laga maqlay magaalada ay ahaayeen kuwa lasoo galiyay baco oo la dhigay qeybo kamid ah magaalada .

Xaalada magaalada ayaana hadda ah mid degan oo dib usoo laabteen isku socodka iyo gaadiidka, waxa ayna dadka degan magaalada ay hadal hayaan qaraxyadan caawa ka dhacay qeybo kamid ah magaalada oon muddooyinkan aan laga maqlin qaraxyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleDowladaha Soomaaliya iyo Tanzania oo isku af-gartay ka shaqeynta arrimo badan oo muhiim u ah labada dal