Ruushka oo soo saaraya diyaarado rakaab oo u gaar ah.

Ruushka ayaa wadda qorshe ay dalal dhowr ah ka qaybqaadanayaan oo lagu soo saarayo diyaaraddo u gaar ah oo rakaabka iyo xamuulka qaada, taa oo u muuqata tallaabo ay ku doonayaan inay ku dhisan suuq dunidda kula tartama diyaaradaha ay soo saaraan shirkadda reer galbeedka ee Boeing iyo Airbus.

Ruushka wuxuu bartamihii bishan heshiis nooca ah la galay dalka Belarus, waxaa hadda lagu warramaya inay ku soo biirtay Iran , xilligana ay doonayaan inay kordhiyaan tirada dalalka ka qaybqaadanaya si ay u fududaato suuq loo helo diyaaradahan.

Ruushka wuxuu horey ugu guuleystay mashruuca Sukhoi Superjet oo soo saartay diyaaraddo maxalli ah , balse cunaqabateynta reer galbeedka ayaa hoos u dhigtay inay shirkadda suuq ka hesho dunidda.

Shiinaha ayaa isagana  si iskiis ah u saaray diyaarad nooca rakaabka iyo xamuulka qaada ah ee COMAC, taaso ka gudubtay tijaabadii.

PUNTLAND POST