Xamaas oo baahisay Muuqaal laga soo duubay labo ka mid ah la heystayaasha Israel

Xamaas ayaa baahisey muuqaal muujinaya caddayntii ugu horreysay ee nolosha labo ka mida maxaabiista ay gacanta ku hayaan ee lagu haysto Qasa.

Muuqaallada waxaa ka soo muuqday labo ka mida la haystayaal lagu kala magaacabo Keith Siegel iyo Omri Miran. Labaduba waxay ka mid ahaayeen maxaabiistii Xamaas ay ku soo qafaalatay weerrarkii ay ku qaadday koonfurta Israa’iil 7-dii October.

Labadan ninba waxay ka hadlayeen xaaladooda iyagoo dareenkooda ku muujiyey farriin ay u direen qoysaskooda, waxayna codsanayaan in ala sii daayo.

Miran, ayaa laga qafaashay gurigiisa oo ku yaala xaafadda Nahal Oz isaga oo ay hor taagan yihiin xaaskiisa iyo laba gabdhood oo yaryar intii lagu jiray weerrarkii Xamaas ku qaaday Israa’iil lix bilood ka hor.

Siegel, oo haysta labo dhalasho oo mid ka mida ay tahay Maraykan ayaa isaga iyo xaaskiisa Aviva, laga laga afduubay magaalo ku taalla xaduuda basle markii danbe ayaa la sii daayey xaaaskiisa intii lagu jiray xabbad joojin kooban oo bishii Nofembar ahayd

Warbixin muuqaal ah oo ay soo saartay xaaska Keith ee Aviva ayay ku tiri: “Keith, waan ku jeclahay, waan dagaalami doonnaa ilaa aad soo noqoto.”

Dani Miran, aabbaha Omri, oo ka hadlayey banaanbaxa toddobaadlaha ah ee Tel Aviv ee lagu dalbanayo in la qaado tallaabo lagu sii daynayo la haystayaasha ayaa jeediyey khudbad dareen leh, isagoo sheegay sida uu ugu faraxsan yahay in uu arko muuqaalka wiilkiisa, wuxuu rajo ka muujiyey inuu “noolaado”

Aabbahan la haysto wiilkiisa ayaa ugu baaqay dowladda, si gaar ahna u magac dhabay xubnaha ka mida wasiirada Israa’iil ee kala ah wasiirka Amniga Qaranka, Itamar ben Gvir iyo Wasiirka Maaliyadda, Bezalel Smotrich, inay xaqiijiyaan heshiiska si loo sii daayo la haystayaasha.

Sidoo kale waxa uu baaq u jeediyey ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu “inuu ansixiyo heshiis kasta oo macquul ah”.

“Hal tallaabo yar oo aan dhiig ku daadan u qaad labada shacab,” ayuu yiri, isagoo raaciyay: “Dhammaan dadka Israa’iil iyo quruumaha adduunku waxay doonayaan inay arkaan joojinta dhiigga daadanaya iyo gaar ahaan joojinta dhibaatada dadkaaga.”ayuu intaas raaciyey.

Muuqaalka la haystayaasha oo dhammaystiran ayaa lagu soo bandhigay shaashadaha waaweyn ee agagaarka fagaaraha isu soo baxayaashu ku sugnaayeen.

Qoysaska ay ka soo jeedaan dadka u afduuban Xamaas ayaa muuqaalka ka dib waxay xoojiyeen dalabkooda ah in dowladda Israa’iil ay tahay inay sameyso wax walba si ay u ansixiyaan heshiiska soo celinta dhammaan la haystayaasha.

– Advertisement –