Mareykanka oo sheegay in Ruushka iyo Iran ay iska kaashanayaan dhanka difaaca

Mareykanka ayaa sheegay in xiriir iskaashiga oo dhanka difaaca ay yeelanayaan Dowladaha Ruushka iyo Iran.

Dowladda Iran ayaa ku sii dhowaaneysa inay iskaashi muuqda oo militari oo toos ah la yeelato Ruushka, sida ay sheegeen sirdoonka Mareykanka.

“Ruushku wuxuu bixiyaa taageero milatari oo aan horay loo arag” ayuu yiri afhayeenka golaha ammaanka qaranka ee Mareykanka John Kirby.

Sidoo kale waxa uu intaas ku daray “Maraykanku waxa uu arkay warar sheegaya in labada dal ay ka fakarayaan inay si wada jir ah u soo saaraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee wax dila”

Iskaashiga u dhexeeya Ruushka iyo Iiraan ayaa dhawaan la soo saaray, iyadoo Ukraine ay Ruushka ku eedeysey inay u adeegsato diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran.

Horseed Media