Qaxootiga Dhadhaab oo hal arrin ka faa’iiday ku biiritaanka Somalia ee ururka EAC

Ergayga Soomaaliya u qaabilsan urur gobolleedka dhaqaalaha Bariga Afrika Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa sheegay in maanta ka dib, Soomaalida Qaxootiga ku ahayn xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya aysan aheyn Qaxooti, isla markaana ay degi karaan midkii ay doonaan 8-da waddan ee ku bahoobay  ururka Bariga Afrika ee (EAC).

Hadliye, ayaa sheegay in isku darka isbaheysigan uu u fasaxayo in  qof walba meeshii uu rabo u guuri karo, degi karo kana shaqeysan karo.

”Dhadhaab waxaa la yiraahdaa waxaa joogo 500-kun oo qof Qaxooti Soomaali ah, Qaxooti ma ahan mar dambe, maanta Qaxooti ma ahan khalaas, haddaad Soomaali tahay Kenya waa degi kartaa, maantadan qaxooti ma ahan, laga yaabee in loo baahan yahay sharci iyo wax in laga shaqeeyo, laakiin sharci ahaan Qaxooti ma ahan, waxaa ka saaray isku darka isbaheysigu wuxuu fasaxayaa qof walba 8-da waddan meeshuu rabo inuu u guuri karo, ka shaqeysan karo oo uu degi karo’,” ayuu yiri Ergayga Soomaaliya u qaabilsan ururka Bariga Afrika ee (EAC).

Sidoo kale, Ergayga ayaa sheegay in fursaddan ay ku timid dadaal uu sameeyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo meesha ka saareysa in hadda ka dib, Soomaalida qaxooti ahaan loola dhaqmo.

” Qaxooti bey ahaayeen, Qaxooti markaad tahayna waad xakameysan tahay, hadda markaan tagno Yurub meelbaa la ina dejiyaa inta aad sharci ka heleyso waa inaa halkaa joogto oo lagaa war hayaa, tana waa ka sii darneydba, marka waa faa’idso soo korodhay,”.

Dalalka xubnaha ka ah urur gobolleedka dhaqaalaha Bariga Afrika ee (EAC), ayaa kala ah: Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi, South Sudan, Tanzania, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo. Ganacsatada Soomaalida ah ayaa hanti muuqata ku leh dalalkaas marka laga reebo Burundi.

– Advertisement –