Aabbe iyo carruurtiisa oo ku dhintay Qarax uu gurugiisa ku dhax diyaarinayay

Waxaa caawa guri kuyaalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ka dhacay qarax miino, kaa oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad ay carruur ku jiraan.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay miino uu guriga ku dhax farsameenayay nin katirsanaa kooxda Al Shabaab, waxa ayna miinada qaraxday xilli uu gurigiisa ku dhax sugnaa.

Inta la xaqiijiyay qaraxa miino waxaa ku dhintay labo carruur ah uu dhalay ninka qaraxa diyaarinayay, waxaa sidoo kale qaraxa dhaawac culus uu kasoo gaaray hooyada qoyskaasi oo loola cararay xarun caafimaad.

Ciidamo katirsan booliiska iyo nabad sugida ku sugan deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa gaaray guriga uu qaraxa ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen baaritaanno ku aadan waxa qaraxan sababay.

Ma ahan markii ugu horreeysay oo qarax ka dhax dhaco guri lagu diyaarinayay miino iyo waxyaabaha kale ee qarxa, waxa ayna qaraxyadaasi waxyeelo kala duwan gaarsiiyeen dadkii ku sugnaa guryaha ay ka dhaceen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleQaraxyo baco lasoo galiyay oo caawa Muqdisho iyo Booliiska oo war kasoo saaray