Booliiska Puntland oo Boosaaso ku qabtay nin ku eedaysan dil

Ciidanka Booliiska Gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay Faarax Jibriil Xuseen oo ku eedaysan dilka Marxuum Maxamed Cabdirashiid Cabdiraxman.

Qoraal ka soo baxay Taliska Booliiska Gobolka Bari ayaa lagu xaqiijiyay in Booliisku gacanta ku dhigay eedaysane Faarax Jibriil Xuseen.

Taliska ayaa sidoo kale tilmaamay in sharciga la hor-gayn doono shakhsigan loo haysto dilka Marxuum Maxamed Cabdirashiid Cabdiraxman.

Booliiska ayaa sidoo kale uga digay cid kasta oo isku dayda in ay amni-darro samayso in ay ku danbayn doonto gacanta Amniga.

PUNTLAND POST