Shaxda Ugu Fiican Wareega Group-yada Koobka Africa Oo La Soo Saaray

Waxa la soo saaray shaxda ugu fiican ee wareega Group-yada tartanka koobka Africa.

Waxa la soo afjaray wareega Group-yada tartanka ka socda Ivory Coast ee maraya meesha xiisaha badan.

Kadib dhamaadka Group-yada waxa la soo saaray shaxda ugu fiican ee wareega Group-yada.

Xiddigaha la soo xushay ayaa lagu qiimeeyay qaab ciyaareedka cajiibka ee ay soo bandhigeen.

Xulka Morocco ayaa shaxda ku leh 4 xiddig halka xulka Senegal shaxda ku leeyahay 3 xiddig.

Xulka Equatorial Guinea ayaa shaxda ku leh 2 xiddig halka xulalka DR Congo iyo Angola shaxda ku leeyihiin min hal xiddig.