RASMI: Man City Oo Xaqiijisay In Uu Kalvin Philips ku biiray Koox Premier League Ah.

Kooxda Man City ayaa xaqiijisay in xiddigeeda Kalvin Phillips uu ku biiray kooxda West Ham.

City ayaa xaqiijisay in uu xiddiga khadka dhexe ee Kalvin Phillips ku biiray kooxda West Ham isaga oo kula joogaya heshiis amaah ah.

West Ham ayaa dhinaceeda xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe oo ay sii haysan doonto ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kalvin Phillips ayaa si weyn ugu dhibaatooday in uu boos joogto ah ka helo kooxda Man City tan ilaa markii uu ku soo biiray.

Xiddiga Kalvin Phillips ayaa si toos ah ugu wareegi kara West Ham xilli ciyaareedkan dhamaadkiisa hadii uu soo bandhigo qaab ciyaareed cajiib ah.