Askari dil argagax lahaa shalay ka geestay magaalada Muqdisho oo la baafinayo

Askari katirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa shalay xaafada Tookyo ee degmada Yaqshiid ku dilay nin shacab ah oo lagu magacaabayay Ismaan Muxudiin Jiinow  , halka uu dhaawac culusna gaarsiiyay wiil yar uu dhalay marxuumka la dilay.

Sida aan wararka ku helnay ninkan askariga ah ayaa doonayay marxuumka in uu ka dhaco telfoon uu watay, waxaana la sheegay in marxuumka uu askariga siiyay telfoonka, balse ka biyo diiday in uu sheego number sireedka EVC-ga lacagta ugu jirtay.

Askariga manaxa ah ayaana xabbad madaxa uga dhuftay marxuumka oo xilligaasi farmashiye u waday wiil yar uu dhalay, xabbada ka baxday marxuumka ayaana la sheegay in wiilkiisa madaxa ka fariisatay uuna ku jiro xaalad adag.

Guddoomiyaha degmada Yaqshiid Suleymaan Fargax ayaana qoraal uu soo saaray ku codsaday in garab lagu siiyo ciidamada ammaanka sidii loo soo qaban lahaa askariga dilka geestay oo lagu magacaabo Cabduqadir Odawaay Maxamed .

”Nagu caawiya soo qabashada dilaa Cabduqadir Odawaay Maxamed ,ina hooyo Dhuubo Cabdulle Fiidow ku dhashey degmada Yaqshiid, degan  isla Yaaqshid xaafada Tookiyo numberkiisa waa 0614140102,  numberka ciidanka waa 46418, waxa uuna katirsan yahay ciidanka xoogga ururka 90 aad dal xureeye ilaalo Qaran” ayuu yiri guddoomiye Fargax.

Askarta katirsan ciidanka dowladda ee sida micno darada ah ku dilaya dadka shacabka ah ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, askartan qaarkood ayaana ka baxsada gacanta laamaha ammaanka iyo caddaaladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –