Haweeney maleegtay Qarax waxyeelo badan geestay oo lagu riday xukun aan horey loo arag

Maxkamad kutaalla dalka Turkiga ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday haweeney u dhalatay dalka Syria, taas oo lagu helay in ay maleegtay qarax dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Axlaam Al-Bashiir oo 23-sanno jir ah ayaa lagu helay in ay ka dambeesay qarax bishii November ee sannadkii 2022-kii ka dhacay magaalada Istanbuul, waxaana qaraxan ku dhintay lix qof ,halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 99-qof.

Maxkamadda ayaa gabadhan ku xukuntay xukun aan horey loo arag oo ah xabsi aan cafis lahayn oo gaarayo 1,794 sanno iyo ganaax lacageed oo gaareysa 22,000 oo lacagta Turkish Liras, una dhiganta 680 dollarka Maraykanka.

Gabadhan ayaa lasoo qabtay xilli ay kasii baxsaneysay dalka Turkiga marka uu qaraxa dhacay kaddib, waxaana muuqaalka gabadhan oo qaraxa dhigeysa waddo mashquul badan laga arkay kaamirada qarsoon ee CCTV.

Ciidamada ammaanka dalka Turkiga ayaa sidoo kale qaraxan u xiray lix qof oo kale oo lagu tuhmayay in ay ku lug lahaayeen, waxaana qaraxan lagu eedeeyay kooxaha mucaaradka hubeysan ee dagaalka kula jira dowladda Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –