Kelleher Mise Alisson? Klopp Oo Sheegay Goolhayaha Ku Bilaaban Doona Final-ka Carabao Cup-ka.

Kooxda Liverpool ayaa iska xaadirisay Final-ka Carabao cup-ka kadib markii ay ka badiyeen kooxda Fulham kulan laba lugood ah.

Liverpool ayaa haatan isku diyaarinaysa final-ka in ay la ciyaarto kooxda chelsea 25 bisha soo socota ee February.

Kadib kulankii Fulham Klopp ayaa la waydiiyay Goolhayaha uu ku bilaabi doono shaxdiisa kulanka Final-ka tartanka.

“Caoimh waa goolhaye sare”

“Waa Goolhaye aad u fiican, waxana aan doonayaa in aan siiyo fursado isaga”.

“Wuu u qalmaa in uu ciyaaro sababta oo ah si fiican ayuu u ciyaaray”.

Goolhaye Kelleher ayaa ku bilowday final-kii tartanka Carbao cup-ka ee ugu dambeeyay ee ay Liverpool ka qaaday kooxda chelsea.