Xuutiyiinta oo Gantaalo ku dhuftay Markabka Andromeda Star iyo Mareykanka oo ka hadlay

Xuutiyiinta hubeysan ee ka talisa qeybo badan oo kamid ah dalka Yemen ayaa saacadihii lasoo dhaafay gantaalo ku weerartay markab nuuca shidaalka qaado ah, xilli uu markabkaasi marayay qeybo kamid ah badda cas.

Saddex gantaal oo nuuca balaastiga ah oo Xuutiyiinta kasoo tuureen gudaha dalka Yemen, ayaa lagu weeraray markabka Andromeda Star oo shidaal kasoo qaaday dekad kutaalla dalka Ruushka kuna sii jeeday dalka Hindia.

Taliska Dhaxe ee ciidamada Mareykanka ayaa xaqiijiyay in kooxda Xuutiyiinta gantaalo ay soo tuureen uu ku dhacay markabka Andromeda Star, waxa ayna Mareykanka sheegeen in markabka ay soo gaartay waxyeelo.

Warka kasoo baxay milatariga dalka Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in gantaal oo Xuutiyiinta soo tuureen  uu ku habsaday markab kale oo lagu magacaabo MV Maisha, balse aysan waxyeello kasoo gaarin gantaalka.

Afhayeenka Milliteriga ee Xuutiyiinta Yemen, Jeneral Yahya Al-Sariic ayaa shaaciyey inay dhowr gantaal la beegsadeen markabka Andromeda Star  oo laga leeyahay dalka UK oo marayey Badda Cas

.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleWasiirka Amniga Israel oo dhaawacmay xilli uu kasoo laabtay goob Weerar ka dhacay (Sawirro)