Laascaanood: Firdhiye oo guddoomiyay shir looga hadlay difaaca SSC-Khaatumo, baaqna u diray shacabka

Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali oo uu weheliyo hoggaamiye ku xigeenka Maxamed Ismaaciil ayaa kulan la qaatay golaha sare ee amniga iyo difaaca ee maamulkaas, xilli Somaliland ay dhaqdhaqaad ciidan ka wado deegaanka Oog.

Hoggaamiye Firdhiye ayaa golaha ka dhagaystay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee amniga iyo difaaca ee deegaannada SSC-Khaatumo.

Taliyaha guud ee ciidanka daraawiishta SSC-Khaatumo Sarreeyo Guuto Saleebaan Barre Geesood ayaa ka warbixiyey xaaladda difaac iyo horumarrada laga sameeyey dib u habaynta ciidammada qalabka sida, isagoo sidoo kale xusay in ciidanku yihiin geesiyaal iyo xaq u dirir markasta heegan u ah ilaalinta sharafta iyo karaamada shacabka deegaanadooda.

Dhanka kale taliyaha ciidanka booliska SSC-Khaatumo Sarreeyo Guuto Siyaad Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa ka warbixiyey dedaalada amni sugida iyo adeegyada amni ee ay ku hawlanyihiin ciidammada kala duwan ee Booliska, isagoona xusay in booliska oo kaashanaya shacabka ay si weyn ugu guulaysteen ka hortagga iyo ka dabatagga falalka amni-darro ee wax u gaysana bedqabka iyo xasilloonida shacabka.

Xoghayaha arrimaha gudaha, ahna siihayaha xoghayaha amniga maamulka SSC-Khaatumo Cabdisahal Maxamed ayaa isaguna ka warbixiyey dhammaystirka shuruucda amni iyo qorshayaasha ay wadaan, kuwaas oo isugu jira casriyaynta iyo qalabaynta ciidammada kala duwan ee SSC-Khaatumo.

Ugu dambayn, hoggaamiye Firdhiye ayaa ugu baaqay shacabweynaha reer SSC-Khaatumo in ay si weyn isu garab-taagaan ciidammada difaaca si dhawna ula shaqeeyaan laamaha kala duwan ee amniga.

PUNTLAND POST