Urur goboleedka IGAD oo shaacisay in uu berri qabsoomayo Shirkii ay ku baaqday Jabuuti

Urur goboleedka IGAD ayaa xaqiijiyey in uu maalinta berri ah qabsoomi doono shirkii ay iclaamisay dowladda Jabuuti oo haysa madaxtinnimada ururka.

Jabuuti ayaa ku martiqaadday shirkaasi madaxda waddamada gobolka. Shirkan ayaa looga wadahadalayaa colaadda Sudan iyo xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Jabuuti dhowaan.

Diblomaasi gobolka ah ayaa u sheegay VOA in urur goboleedka IGAD ay mas’uuliyadi ka saaran tahay inay kulmaan markii xiisadi kasoo korodho gobolka, si ay uga hortagaan khilaafka inuu sii huro, iyo in mar kale dib loo xaqiijiyo midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed iyo waddamada xubnaha ka ah Ururka Midowga Afrika.

Xiisadda diyaaraddan ayaa daba socota is-afgaradkii 1-dii Jannaayo ay wada gaareen Itoobiya iyo Somaliland kaasi oo sida ay sheegeen saraakiisha Somaliland u oggolaanaya Itoobiya inay kiraysato 20km oo bad ah, halka Somaliland-na taas beddelkeeda ay aqoonsi ka helayso Itoobiya.

Itoobiya iyo Somaliland labaduba waxay difaaceen is-afgaradka, hase yeeshee waxaa kasoo horjeesatay dalwadda Soomaaliya oo sheegtay inay tallaabadaasi xadgudub ku tahay gobannimadeeda iyo madaxbannaanideeda dhuleed.

PUNTLAND POST