Ra’isul Wasaare Xamsa oo heshiis la saxiixday 15 Wasiir oo ka tirsan Xukuumadiisa

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xamsa ayaa la saxiixday 15 Wasiir Ballanqaadka Xukuumadda iyo qiimeynta Waxqabadkii 4tii bilood ee la soo dhaafay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la saxiixday 15 kamid ah Golaha Wasiirrada Ballanqaadka,qiimeynta Waxqabadka 4tii bilood ee la soo dhaafay iyo hiigsiga Waxqabadka inta ka  dhiman sanadkan.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah hannaanka casriyeynta dowladnimada, xoojinta hufnaanta iyo xisaabtanka sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska RW Somalia.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Wasiirrada in si dhab ay uga shaqeeyaan ballanqaadka ay saxiixeen ee ku aaddan qorshaha hiigsiga 2024 ee Xukuumadda DanQaran, lagulana xisaabtami doonno wasaaradda walba mas’uuliyadda saaran.

– Advertisement –






Previous articleRW ku-xigeenka oo la kulmay Niyaz Acar & wafdi uu horkacayo (Sawirro)