Booliska Somalia sheegay in 11 qof loo xiray weerarkii ciyaartoyda K/Galbeed

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in 11-eedeysane loo qabtay weerarkii 12-dii bishan lagu qaaday xulka Koofur Galbeed, xilli ay ka soo laabteen cayaartii ay la dheeleen xulka Galmudug saacaddu markii ay aheed 5:45pm, iyaga oo ku wajahan hoyga ay Muqdisho ka daganaayeen.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali (Doodishe) ayaa sheegay in eedeysanayaasha oo ka kooban 9-rag ah iyo 3-dumar ah loo hayo caddeymo horudhac ah inay ku luglahaayeen weerarka ciyaartoyda.

Hawlgal wadajir ah oo ay sameeyeen ciidanka sirdoonka iyo Booliska Soomaaliyeed ayaa suura geliyey in kiiskaas loo soo qabto eedeysanayaashan oo la horkeeni doono cadaaladda.

Waxaa uu sheegay in Isboortigu uu yahay madadaalo nabadeed iyo is dhex gal bulsho, loona dulqaadan doonin in dalal amni daro loo adeegsado.

Kooxda Koonfur galbeed ayaa isaga baxday tartanka dowlad goboleedyada, iyagoo dib ugu laabtay magaalada Baydhabo, ka dib markii ay ka caroodeen weerar ay ku qaadeen dad wax ma garato ah, waxaana haatan la hakiyey tartanka, iyadoo ay socdaan dedaalo xulka K/Galbeed dib loogu soo celinayo tartanka.

HOOS KA DAAWO HADALKA AFHAYEENKA

– Advertisement –