Wasiir Max’ed Barre & dhigiisa Sandra Bergqvist oo 2 qodob ka wada hadlay

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Bare Maxamuud oo safar shaqo ku jooga magaalada Helsinki ee dalka Finland ayaa kulan la qaatay Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga dalka Finland Sandra Bergqvist.

Labada Wasiir ayaa kulankooda kaga hadlay wada shaqeynta ka dhaxeysa guud ahaan labada dal, gaar ahaan labada Wasaaradood. Labada Wasiir ayaa sidoo kale kulankooda kaga warbixiyay xaaladaha ay ku sugan yihiin Dhallinyarada labada dal.

Wasiir Maxamed Bare ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in labada Wasaaradood ay ka wada shaqeeyaan sidii sare loogu qaadi lahaa xirfadaha iyo aqoonta dhallinyarada Soomaaliyeed si ay qeyb kaga noqdaan nidaamka nabad-dhiska dalka maadaama dalka Finland uu yahay dalkii ugu horeeyay ee qorshe howleed qaran u sameeya qaraarka Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga ee golaha ammaanka ee qaramada midoobay (UNSCR 2250).

Ergeyga Wasaaradda Arimaha Dibeda Finland u qaabilsan arimaha nabadda geeska Afrika mudane Suldaan Saciid oo kulanka qeyb ka ahaa ayaa isna ka hadlay muhiimadda ay leedahay in dhallinyarada ay qeyb ka noqdaan arimaha nabadeynta.

Wasiirka Wasaaradda ayaa ugu dambeyntii kaga mahadceliyay Wasiirka dhigiisa ah wadashaqeynta ay la leeyihiin dowladda Soomaaliyeed.

– Advertisement –






Previous articleMuxuu laftagareen kala hadlay Catriona Laing iyo Joachim Waern? (Sawirro)