Sacuudiga oo xirxiray Muwaadiniin baraha bulshada ku qoray hadalo ka dhan ah Israel

Dawladda Sacuudiga ayaa sare u qaaday xarigga muwaadiniinta Sacuudiga ee baraha bulshada ku baahiya hadallada ka dhanka ah Israa’iil iyo caradooda xasuuqa Qasa, sida ay sheegtay warbaahinta Bloomberg oo soo xiganaysa diblomaasiyiin iyo kooxaha xuquuqul insaanka.

Warbixinta ayaa sheegtay in la xiray nin ku baahiyay baraha bulshada inaan la cafin Israa’iil’, qof kale oo isagana ku baaqay in la qaadaco makhaayadaha cuntada iyo shirkadaha Mareykanka ee taageera Israa’iil ayaa isagana la xiray.

Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa ku dhow inay gaaraan heshiis amni, oo Riyadh siinaya damaanad amni oo ay ku helayso hub iyo in Sacuudiga laga hirgeliyo barnaamij nukliyeer ah oo uu Maraykanku hoggaaminayo , sida ay sheegtay warbaahinta Bloomberg.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay inuu Sacuudiga hoos u dhigi doono adeegsiga tignoolajiyada uu Shiinaha soo saaro

Waxaa kalo ay Sacuudiga aqoonsanaysa Israa’iil oo ay xiriir diblomaasiyadeed la yeelanayso, taasoo ay Riyadh ku xirtay in marka hore dagaalka Qasa la joojiyo, lana billaabo hannaanka lagu dhisayo Dawladda Falastiin oo madax bannaan lana aqoonsanyahay.

– Advertisement –