Madaxweynaha Soomaaliya oo Shir ku casumay Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shir ku casumay Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa warqadda Casumaadda u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur Glabeed, Galmudug, Hirshabelle iyo maamulka gobolka Banaadir.

Shirkaasi ayuu madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in uu Muqdisho ka qabsoomi doono  inta u dhaxaysa 20-ka ilaa 21-ka Bishan April sida ku cad Warqadda Casumaadda.

“Shirkan ayaa looga hadli doonaa arrimo masiiri ah oo ay ka mid yihiin la dagaalanka argagixisada iyo dhammaystirka dastuurka dalka,” ayaa lagu yiri warqadda martiqaadka ee loo diray Madaxda.

Marti-qaadka waxa laga reebay Hoggaamiyaha Maamulka SSC-khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye mana cadda sababta looga reebay maadaana hore dowladda Soomaaliya u sheegtay in ay aqoonsatay SSC.

PUNTLAND POST