Boliska Somaliland oo xabsiga u taxaabay fanaanada caanka ah ee Ugbaad Aragsan

Waxa caawa magaalada Hargeisa lagu xirey fanaanada Soomaaliyeed ee caanka ah Ugbaad Aragsan

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa Fannaanada xirey iyadoo ku sugan goob ganacsi oo ay ku leedahay magaalada Hargeisa, sida ay ii xaqiijiyeen goob-joogayaal ku sugnaa goobta.

Ma cadda sababta keentay xariga Fannaanada, balse maalmahan waxa la arkayey Ugbaad Aragsan oo taagero u muujinaysa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani iyo madaxdiisa.

Sidoo kale waxa jirey bandhig fanneed ay Hargeisa ku qabatay oo hadal-hayn badan ka dhaliyey, iyadoo Fanaanada dhowaan ka soo laabatay Magaalada Garrowe ee caasimada Puntland oo ay kaga qeyb gashay caleemo saarkii Madaxweyne Deni.

Warar la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in xariga fanaanada la tuhunsan yahay inuu salka ku hayo muuqaal ay ku baahisay barteeda Tiktok oo ku saabsan iyadoo dusha ka qaadeysa hees uu leeyahay fanaanka Sharma boy oo ay ku jiraan ereyo ay ka mid yihiin (Iib maaha badda) iyo (Lafti nagaa ha inoo dhiibin)

Booliska Somaliland weli kama hadlin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xariga fanaanada Ugbaad oo si weyn looga hadal hayo baraha bulshada.

– Advertisement –






Previous articleIsmail Yusaf Baz (Abu Jacfar) oo lagu dilay duqeyn cirka ah oo lala beegsaday (Sawirro)