Mareykanka iyo Sacuudiga ka wada hadlay xabad joojinta dagaalka Gaza

Published: April 30, 2024

Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Mareykanka ayaa kulmay Isniintii si ay uga wadahadlaan baahida loo qabo xabbad joojinta Gaza iyo sidoo kale kordhinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Washington iyo Riyadh.

“Xoghayaha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo kordhinta gargaarka bini’aadantinimo ee Gaza, in la gaaro xabbad joojin degdeg ah taas oo xaqiijinaysa sii deynta la haystayaasha, iyo ka hortagga faafitaanka colaadda,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ka dib kulankii dhexmaray Antony Blinken iyo MBS.

Blinken iyo MBS ayaa sidoo kale ka wada hadlay baahida degdega ah ee loo qabo in la dhimo xiisadaha gobolka, oo ay ku jirto joojinta weerarada Xuutiyiinta ee wiiqaya xoriyadda socdaalka badda cas iyo horumarka laga gaaray geeddi-socodka nabadda Yemen.

Horseed Media