Garaad Maxamed Cilmi Shirwac oo sheegay Dekadda Garacad in laga iibiyey Imaaradka Carabta.

Garaad Maxamed Cilmi Shirwac oo kamid ah isimada dhaqanka Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyey xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni  inay Dekadda Garacad ka iibisay Imaaraadka Carabta.

Garaad Maxamed Cilmi Shirwac ayaa sheegay in todobaadkaan la geeyey Dekadda garacad nin ka socda Imaaraadka Carabta si looga iibiyo waa siduu hadalka u dhigaye.

“Dekadda Garacad Imaaraad lama keeni karo,Itoobiyana lagalama tashan karo anagaana maalgashanay” ayuu yiri Garaadka Maxamed Cilmi Shirwac.

“Wax aan nalakala tashan oo aanan wax ka ogayn lagama kama fulayaan mandiqadda aan joogno”ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Dekadda Garacad ayaa lagu dhisay isku tashi bulsho waxaana kusoo xirta doonyaha iyo markiibta badeecada sida waana dekaddii labaad ee ay Puntland Yeelato.

PUNTLAND POST.