Garaad Maxamed Cilmi Shirwac oo sheegay in Dekedda Garacad laga iibiyey Imaaradka Carabta

Garaad Maxamed Cilmi Shirwac oo kamid ah isimada dhaqanka Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyey xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni  inay dekedda Garacad ka iibisay Imaaraadka Carabta.

Garaad Maxamed Cilmi Shirwac ayaa sheegay in todobaadkaan la geeyey dekedda Garacad nin ka socda Imaaraadka Carabta si looga iibiyo waa siduu hadalka u dhigaye.

“Dekadda Garacad Imaaraad lama keeni karo, Itoobiyana lagalama tashan karo, anagaana maalgashanay” ayuu yiri Garaadka Maxamed Cilmi Shirwac.

“Wax aan nala kala tashan oo aanan wax ka ogayn kama fulayaan mandiqadda aan joogno” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Dekedda Garacad ayaa lagu dhisay isku tashi bulsho waxaana kusoo xirta doonyaha iyo markiibta badeecada sida waana dekeddii labaad ee ay Puntland yeelato.

PUNTLAND POST