Maamulka SSC oo si kulul uga hadlay dilal ay geysteen ciidanka Somaliland

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ka hadlay labo nin oo shacab ah oo maalin ka hor lagu dilay gobolka Sanaag, dilkaas oo ay geysteen ciidamo ka soo jeeda Somaliland.

Qoraal ka soo baxay maamulka SSC-Khaatumo ayaa lagu sheegay in 28-kii bishan April deegaanka Laymadh ee gobolka Sanaag lagu dilay Cismaan Maxamuud Colgondood iyo Maxamed Axmed Aadan Ducaale, dilkaasna ay geysteen ciidamada Somaliland.

“Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu shacabka Soomaaliyeed, dowladda federaalka iyo Beesha Caalamka u caddeeyay in wixii dhibaato iyo cawaaqib xumo ah ee ka dhalata dilalka qorshaysan ee loo gaysanayo shacabkooda ay mas’uuliyadeeda qaadayso xukuumadda Somaliland” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay SSC

HOOS KA AHRISO WAR SAXAAFADEEDKA

– Advertisement –






Previous articleTaliyaha ciidanka XDS oo kulan xasaasi ah la qaatay Saraakiil Mareykan ah (Sawirro)