Klopp Oo Sharaxay Sababta Uu Uga Tagayo Liverpool.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa shaaciyay sababta uu uga tagayo kooxda Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Klopp ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagi doono dhamaadka xilli ciyaareedkan sida uu u xaqiijiyay kooxda.

Tababare Klopp oo sharaxay sababta uu uga tagayo kooxda ayaa yidhi”Waxa aan u sheegay kooxda bishii November in aan ka tagayo dhamaadka xilli ciyaareedkan”.

“Waan daalanahay hadii aan runta ka hadlo”ayuu sii raaciyay.

“Wan jecelahay kooxdan Liverpool laakiin ma qaban karo shaqada mar kasta.

Liverpool ayaa durba bilowday raadinta tababaraha cusub ee kooxda iyaga oo raadinaya tabaabraha ugu munaasibsan ee sii hogaamin kara kooxda.