Geed in ka badan 125-sanno Maxbuus ku ah Pakista iyo Sababta loo xiray (Sawirro)

Geed maxbuuska ah ee ku yaalla Peshawar dalka Pakistan, wuxuu xiran yahay taniyo sannadkii 1899. Sarkaal Britain ah ayaa ku ciqaabay silsiladaha ku xiran sabab uu ku sheegay inuu ka sikaday halkii uu taagnaa.

Sarkaalkaas wuu cabsanaa waxaana la oran jiray James Squid. Waxaana dhacdadaas kasoo wareegtay 125 sannadood. Maadama uu ka dhacsanaa, khamrada ayaa ka tustay in geedku doonayo inuu ka baxsado oo uu xadka ka tallaabayo.

Cidna iskuma dayin inay silsiladaha ka furto. Waxaana geedkani taniyo berigaas uu goob dalxiis u noqdo dadka deegaanka oo sannad walba qaabila.

“Waxaan ahay maxbuus – sarkaal cabsan oo British ah oo moodayay inaan baxsad ka ahay halka aan ku taagnaa ayaa igu xirxiray silsildahan. Taniyo markaasna waan jeebeysnahay.” — ayaa ku qoran loox saaran dushiisa.

Si kasta oo ay tahayba, Geedkan wuxuu hadda kamid noqday ilaha dhaqaaluhu kaga soo xeroodaan dadka Peshawar ku nool.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleXasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo la filayo inay fool ka fool isku arkaan dal Yurub katirsan