DEG-DEG: Jurgen Klopp Oo Ka Tagaya Liverpool.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda Liverpool.

Klopp ayaa xaqiijiyay in uu boorsooyinkiisa ka qaadan doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Arintan ayaa imanaysa kadib 8 sano oo uu ku sugnaa Anfield kulana guulaystay koobab aad u badan.

Arintan ayaa dhirbaaxo ku ah Liverpool marka loo eego in uu yahay Klopp mid ka mid ah tababarayaasha ugu muhiimsan taariikhda kooxda.

Liverpool ayaa haatan bilowday in ay raadiso badalka Klopp iyada oo ka fiirsan doonta tababarayaal aad u badan si ay u hogaamiyaan kooxda.