Xukun dil ah oo lagu riday nin Janta Siigar dartiis u dilay qof Shacab ah

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday askari katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya oo lagu helay in dil bareer ah oo loo adeegsaday toorey u geestay qof shacab ah.

Maxamed Cabdiqaadir Sheekh Ibraahim oo ka tirsanaa ciidanka booliska lagu soo eedeeyay dembiga dil kas ah oo u adeegsaday Tooreey una geysatay Marxuum Cabdifitaax Cabdullahi Cali taarikhda markay ahyd 25-kii April ee Sanadkan dilkaas ayaa ka dhacay dagmada Boondheere .

Sababta dilaka keentay ayaa aheyd In eedeesanha iyo marxuumka ay ku murmeen Janta Siigar bishii Ramadaan ee sanadkaan.

Taliska qeybta danbi baarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (CID) ayaa ku wareejiyay eedaysanaha Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada,  Baaris dheer ka dib waxa ay isla xilligaasi Garsoorka Ciidamada Ogolaadeen in xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan 22-kii September ee sanadkaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa la wadaagay Maxkamadda  Maragyadii goob joogga u ahaa dhacdadan, Warqada cadeynta Dhimashada Marxuumka iyo Mididii uu ku geestay dilka.

08-dii Bishan ayaa Xafiiska laga Ogolaaday Markale fadhiga Maxakamad Qaadista Dable Maxamed Cabdiqaadir Sheekh Ibraahim oo ka tirsan Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed gaar ahaan Degmada Afgooye.

Qareenka u doodayay Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka Codsaday in laga Qaado Magta Marxuumka Maadaama Uu Qiraal yahay.

Fadhiya kala Duwan Maxkamadda Ciidamada ayaa 21-kii Bishaan ku xukuntay Maxamed Cabdiqaadir Sheekh Ibraahim Dil-toogasha ah oo ah Qisaasta Marxuum Cabdifitaax Cabdullahi, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa Haysta fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –