Ruushka oo duqeeyey xarumaha Tareenada Ukraine

Published: April 26, 2024

Ukraine ayaa Jimcihii ka digtay in Moscow ay kor u qaadayso weerarada ay ku qaadayso tareenada si ay u carqaladayso saadka militari, xili ay Kyiv sugeyso keenista hubka cusub ee Mareykanka.

Saraakiisha Ukraine ayaa saxaafadda u sheegay in Ruushku uu doonayay in uu waxyeeleeyo kaabayaasha tareenada ee Ukraine si ay “u curyaamiyaan gaarsiinta shixnadaha milatariga”.

Ukraine waxa ay ka cabsi qabtaa in Ruushku uu doonayo inuu ka hortago taakulada reer galbeedka iyo saadka militari ee dalkaasi helayo, ka hor dabbaaldegyada maalinta guusha ee 9-ka May ee Ruushka u dabaaldego, iyada oo labada dhinacba ay sii wadeen weerarrada.

Ciidamada Ruushku ayaa sare u qaaday ciidamada iyo hubka ku sugan jiiddaha hore, waxayna Ukraine sheegtay in dagaalladu sii adkaan doonaan toddobaadyada soo socda.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in uu rumaysan yahay in Ruush-ka uu doonayo in ciidankooda uu qabsado meelaha istaraatiijiga ah ee Chasiv Yar, oo ah tuulo ku taal bariga gobolka Donetsk, kahor May 9, markaas oo uu Ruushku u dabaaldegayo guushii Midowga Soofiyeeti ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Mareykanka ayaa todobaadkan ansixiyey deeqda militari ee loogu talo galay Ukraine, taasi oo gaareysa $61 Bilyan oo dollar.

Horseed Media