Guddiga Difaaca Baarlamaanka DFS oo ka hadlay lunsashada saadka ciidanka Danab.

Gudoomiye kuxigeenka Guddiga Difaaca Baarlamanka Soomaaliya, Xildhibaan Dhookir oo ka hadlay fadeexadda ka taagan lunsashada saadka ciidamada Qaranka:

“Inagoo og in ciidamadeenna Xoogga dalka Soomaaliyeed ku shaqaynayaan duruufo adag oo dhinac walba leh, saadkooda iyo mushaarkooduna yahay mid ku tiirsan dawlado saaxibadeen ah.

Adeegga iyo saadka ay ugu deeqaysay dawlada Mareykanku waa fadeexad aad u wayn loona bahan yahay in lagula xisaabtamo kuwa ku lug leh.

Ayaandarada ugu foosha xun ayaa ah in wasaaradii gaashandhiga ee larabay inay baadhitaan sameyso sharcigana horkeento cidda leh masuuliyada musuq maasuqa , ayaa ku gaabsatay soo saaridda nuqulo qiraal ah.

Dhacdadani waxa ay qireysa heerka musuq ee ka jira dalkeenna, iyo tayo-xumida hay’adaha dawladda ee loo igmadey dib-u-dhiska dalka.

Waxaa la jogaa xilligiii aan muujin lahayn tayadeenna hogaamin oo ku laran-tahay dal jacayl iyo xilkasnimo.

Muwaadininta Soomaliyeed, jaalayaashayada caalamiga ah, CXDS waxaan u xaqiijinaynaa in aan samayndoono falcelin ku habboon.”

PUNTLAND POST.