Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyada dagaal ee ICC oo sheegtay inay baareyso danbiyadii ka dhacay Gaza

Published: April 26, 2024

Madaxa dacwad oogaha maxkamada ICC Karim Khan ayaa sheegay in kooxdiisu ay si firfircoon u baarayso dambiyada dagaal ee ka dhacay Gaza, isla markaana kuwa ku xad gudbay sharciga lala xisaabtami doono.

Mid ka mid ah taleefishinada ugu caansan Israa’iil oo lagu magacaabo Channel 12 ayaa todobaadkii hore sheegay in Israa’iil ay aad uga walaacsan tahay suurtagalnimada in maxkamadda ICC ay soo saarto amarro lagu soo xirayo Raysalwasaaraha Israel Netanyahu iyo mas’uuliyiin kale oo sarsare oo lagu eedeeyay ku xadgudubka sharciga caalamiga ah ee Gaza.

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa Jimcihii sheegay in go’aan kasta oo ka soo baxa Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin ficillada Israa’iil balse ay tahay tallaabo khatar ah.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu ka yeeshay kulan deg deg ah oo arrintan ku saabsan. Afhayeen u hadlay dowladda Israel ayaan ka jawaabin su’aalaha lagu weydiiyay telefishinka Channel 12.

Israa’iil ayaan xubin ka ahayn maxkamadda, ee fadhigeedu yahay magaalada Hague, mana aqoonsana awooddeeda, laakiin dhulka Falastiiniyiinta ayaa loo aqoonsaday waddan xubin ka ah sanadkii 2015.

Dacwad oogaha guud ee maxkamada ICC Karim Khan ayaa sheegay bishii October in maxkamadu ay awood u leedahay dambiyada dagaal ay geysteen Xamaas iyo Israa’iiliyiinta ee dagaalka ka socda Marinka Gaza.

Horseed Media