Qaraxyo ka dhacay magaalada Qudus

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay labo qarax oo ka dhacay saaka magaalada Qudus qeybteeda Galbeedka.

Qaraxyadan oo ahaa nooca meesha fog laga hago ayaa lala beegsaday goobaha laga raaco gaadiidka dadweynaha, waxaana la sheegay inay ku dhaawacmeen in ka badan 16 qof oo uu qaarkood soo gaaray dhaawacyo culus.

Booliiska Israel ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid si weyn loo soo qorsheeyey oo ay baaritaan ku wadaan cida ka danbeysa walow ay sheegeen inay tuhunsan yihiin kooxaha hubeysan ee reer Falastiin.

Weeraradan ayaa lagu soo beegay saacado kadib markii ciidamada Israel ay magaalada Nablus ku dileen wiil Falastiini ah oo 16 sano jiray.

Horseed Media