Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu laayay dagaal ka dhacay Shabeellada dhexe

Wararka ka imaanaya deegaanka Basra ee u dhexeysa degmooyinka Afgooye iyo Balcad ayaa sheegaya in ugu yaraan 19 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab lagu dilay kadib dagaal qaraar oo saaka ka dhacay deegaankaas.

Sida ay shaacisay warbaahinta dowladda, dagaalka lagu dilay maleeshiyada Al-shabaab ayaa dib uga qarxay tuulada Muryaale, halkaas oo maalmihii ugu dambeeyay ay maleeshiyada Al-shabaab isku aruursanayeen, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdikaamil Shukri Macalin.

Ciidamada dowladda ayaa toddobaayadii ugu dambeeyay howgallo amni ka sameynayay deegaankan oo saldhig u ahaa maxkamadaha maleeshiyada Al-shabaab.
Deegaankan ayaa ah halkii Jimcihii hore lagu dilay Taliyihii Ciidamada Booliska Gobolka Benaadir Farxaan Qaroole.

Puntland post