Madaxweyne Joe Biden oo sheegay in halista nukliyeerka ay joogto heerkii ugu sarraysay

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa sheegay in halista nukliyeerka ay joogto heerkii ugu sarraysay tan iyo dhibaatadii gantaallada Cuba ee 1962-kii.

Mr Biden ayaa sheegay in Vladimir Putin uusan kaftamayn marka isaga iyo saraakiisha kale ee Mareykanka ay ka hadlayeen in Putin xeelad ahaan uu isticmaalo hubka nukliyeerka, kaddib markii uu dhabarjab kala kulmay dagaalka Ukraine.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in Mareykanku uu iskudayay inuu ogaado habka uu Mr Putin uga lug bixi karo colaaddan.

Toddobaadkii hore, La taliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka Jake Sullivan ayaa sheegay in Maraykanku anu  arag wax calaamado ah oo muujinaya in Ruushku uu si degdeg ah isugu diyaarinayo inuu isticmaalo hubka nukliyeerka.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa dabayaaqadii bishii Septembar ku dhawaaqay qeyb ka mid ah abaabulka ciidamo loo dirayo dalka Ukraine, wuxuuna ku hanjabay inuu awoodiisa oo dhan u adeegsado difaaca dhulka Ruushka, taasoo cabsi ka abuurtay caalamka.

Horseed Media