XOG: Kulankii Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo ku dhammaaday natiijo la’aan

Kulan gaar ah oo shalay Madaxtooyada Muqdisho ku dhexmaray Xasan Sheekh iyo Siciid Deni ayaa sida la xaqiijiyay natiijo la’aan ku dhammaaday.

Xogo hoose ayaa sheegaya in kulanka labada madaxweyne oo aysan cidna ku wehelin uu fashil ku dhammaaday kadib markii la isku fahmi waayay.

Labada dhinac ayaa inta badan ka wada-hadlay dano gaar ah marka laga reebo qodob ku saabsanaa Koonfur Galbeed.

Siciid Deni ayaa u sheegay Xasan Sheekh in aan la aqbali karin fara-gelinta Villa Somalia ku hayso Koonfur Galbeed sida ay tilmaameen ilo wareedyo madax-bannaan.

Xogta ayaa intaas ku daraysa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka carooday hadalka Siciid Deni ee la xiriira Koonfur Galbeed islamarkaana uu weydiiyay bal in Koonfur Galbeed dal kale ku taallo si loo fara-geliyo.

Taag-taag dheer kadib shirka ayaa dhammaaday waxaana wararku sheegayaan in aysan jirin wax is faham ah oo ay gaareen labada dhinac.

PUNTLAND POST