Dhimasho iyo dhaawac ka dhalatay gacan ka hadal ka dhacay xabsiga Gaalkacyo

Gacan ka hadal dhashay kacdoon iyo cabasho ay maalmo ka hor sameeyeen qaar kamid ah maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo ayaa sababtay dhimashada 1 maxbuus iyo dhaawaca 7 kale.

Baaritaan uu sameeyay Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Aadanaha Puntland ayaa lagu xaqiijiyay in maalmo ka hor (30 bishii April 2024) ex-xukumane Mahad Axmed Warsame uu u dhintay dhaawac halis ah oo ka soo gaaray madaxa, 7 kale oo xukumanena ay hadda qabaan dhaawacyo qaadkood halis yihiin.

Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Aadanaha Puntland ayaa cambaareeyay hab dhaqanka arxan darrada ah ee ciidanka ilaalada xabsiga u gaysteen maxaabiista, wuxuuna ka dalbaday xukuumadda madaxweyne Deni in ay baaritaan degdeg ah ku sameyso dhacdadan, lana horkeeno dharciga ciddii gaysatay falkan sababay dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhacay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo.

Xafiiska ayaa sidoo kale ugu baaqay Golaha Wakiillada Puntland, gaar ahaan guddiyada qaabilsan xuquuqul aadanaha iyo amniga in ay xukuumadda kula xisaabtamaan dhacdadan, ayna xaqiijiyaan inay caddaalad helaan dhibanayaasha maxaabiista ah.

PUNTLAND POST