Norway oo ku dhawaaqdey taageero ballaaran oo ay siinaysa Soomaaliya

Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee dalka Norway Anne Beathe Tvinnereim oo booqasho ku timid dalka ayaa ku dhawaaqday qoondo gargaar oo dheeri ah, iyadoo ballan qaaday 25 milyan oo lacagta Norway ah oo gargaar degdeg ah si wax looga qabto dhibaatada ba’an ee abaarta.

Norway ayaa sidoo kale bixin doonta lacag dhan 300 milyan oo NOK (Norwegian Krone) oo loogu talagalay dadaallada horumarineed ee muddada dheer, taas oo la marinaayo Baanka Adduunka.

“Waa muhiim in laga jawaabo baahida weyn ee gargaarka degdegga ah u baahan isla markaana laga fikiro sidii looga hortagi lahaa in mar kale ay xaaladahan oo kale dhacaan. Marka laga soo tago 25 milyan oo NOK oo dheeraadka ah oo aan u qoondeynayno gargaarka bini’aadantinimo, waxaan la saxiixaneynaa Bangiga Adduunka heshiis diiradda lagu saarayo dowlad wanaagga, la qabsiga isbeddelka cimilada iyo sugnaanshaha cuntada ee muddada dheer,” ayay tiri wasiirka horumarinta caalamiga ah Anne Beathe Tvinnereim.

‘Tusaale ahaan, marka laga soo tago biyo dhaaminta meelaha ay abaaruhu ku dhufteen, waxaa muhiim ah in la qodo ceelal cusub’, ayay tiri Ms Tvinnereim.

Soomaaliya waxaa ka jirta abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah. Ka dib markii ay baaqdeen dhowr xilli roobaad oo xiriir ah, in ka badan 36 milyan oo qof ayaa waxaa saameeyay abaaro ku dhuftay qeybo ka mid ah Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya.

Qiimaha sare ee cuntada ee ka dhashay dagaalka gardarada ah ee Russia uu ku hayo Ukraine ayaa xaalada ka sii daraysa.

Horseed media