Xavi Oo Shaaciyay Wakhtiga Uu Isaga Tagayo Barcelon & Sababta.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Xavi ayaa shaaca ka qaaday wakhtiga uu ka tagi doono kooxda Barcelona.

Tababare Xavi ayaa wajahaya cadaadis xoogan iyada oo kooxdu ku jirto natiijooyin xun lagana reebay koobka Copa del Rey.

Barcelona ayaa guuldaro 4/2 ah kala kulantay kooxda Athletic Bilbao waxana ay ka hadheen tartanka Copa del Rey.

Kadib ciyaarta Xavi ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda Barcelona iyo wakhtiga uu boorsooyinkiisa ka qaadan doono Camp Nou.

“Haddii dhamaadka xilli ciyaareedka aanan ku jirin heer tartan ah…waa inaan baxo”.

“Waan garanayaa meesha aan joogo, waa koox sare. Halkan Barça waxaad u baahan tahay inaad koobab ku guulaysato haddii kale halis ayaad ku jirtaa”.

“Waxaan ku qanacsanahay in mashruuca halkan uu leeyahay mustaqbalka ugu sareeya”ayuu sii raaciyay.