Booliiska Gobaladda Waqooyi oo soo qabtay nin xalay dil ka gaystay magaalada Hargaysa

Khamiis,  May, 9, 2024 (AX) – Booliiska Gobaladda Waqooyi ayaa gacanta kusoo dhigay wiil ku eedaysan in uu xalay abaaro 11:00 uu wiil kale oo dhallinyaro ah middi ku dilay.
Booliiska ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen Eedaysane Jimcaale Maxamed Maxamuud oo 17 jir ah , kaasoo ku eedaysan inuu xalay abbaaro 11:00, Middi ku dilay Cabdixakiin Aadan C/laahi oo 18 jir ahaa, degmada Maxamed Mooge ee caasimadda Hargeysa.
“Dedaal iyo baadhid dheeriya oo ay sameeyeen ciidanka booliska gaar ahaan qaybta barigu, iyagoo kaashanaya dadweynaha degmada Maxamed Mooge, waxay gacanta kusoo dhigeen eedaysanaha subaxnimaddii hore ee saaka” ayaa lagu yidhi warbixibta booliiska.
Warbixintu waxay intaa ku dartay in baadhista kiiskaa ay gacanta ku hayaan Hoggaanka Baadhista Dembiyadda-C.I.D, natiijadda baadhistana loo gudbin doonaa hay’addaha garsoorka Gobaladda Waqooyi.
Booliisku wax faahfaahina kama bixin sababta dhallisay dilka, ee keentay in wiilka dhallinyarada ahi uu wiilka kale ku dilo.