RASMI: Senegal Vs Cameroon & Isku Aadka Wareega 16-ka Koobka Africa Oo La Soo Saaray.

Waxa si xiiso leh dalka Ivory Coast uga socda koobka Africa iyada oo la soo afjaray wareega Group-yada tartanka.

Waxa isku soo hadhay 16 xul kuwaas oo ku tartami doona in ay ku guulaystaan koobka ugu qiimaha badan qaarada Africa.

Kadib dhamaadka Group-yada waxa isku aaday 16-ka kooxood ee ku soo hadhay tartanka iyada oo kulamo xiiso leh ka soo bexeen.

Kulamada ugu xiisaha badan ee wareega 16-ka waxa ka mid ah kulamada dhexmari doona xulalka Nigeria iyo Cameroon iyo Senegal Iyo Ivory Coast.

Xulka Masar ayaa isagu la ciyaari doona xulka DR Congo halka xulka Morocco la ciyaari doono xulka Koonfur Africa.

Halkan Kaga Bogo isku aadka oo dhamaystiran:

Angola Vs Namibia

Nigeria Vs Cameroon

Equatorial Guinea Vs Guinea

Egypt Vs DR Congo

Cape Verde Vs Mauritania

Senegal Vs Ivory Coast

Mali Vs Burfina Faso

Morocco Vs South Africa