Wasiirka Arimaha Gudaha oo kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha Gobolada Dalka

Hargeysa (Dawan)Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha  Maxamed Kaahin Axmed ayaa  shalay   kulan lagu xoojinayo  amniga  la qaatay Guddoomiyeyaasha Gobolada Dalka.

Kulanka Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha  Maxamed Kaahin Axmed  la yeeshay Guddoomiyeyaasha Gobolada Dalka ayaa
ujeedadiisu ahayd xoojinta Amniga guud ee Xududaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland,waxaana  Guddoomiyeyaasha Gobaladu  Wasiirka warbixin ka siiyeen  nabedgalyada   Gobolada Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha  ayaa faray Gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka adkaynta amniga Xuduudaha  Dalka, iyadoo Jamhuuriyadda Somaliland Xuduud dheer la leedahay Wadamada Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaliya. Kulankan waxaa Wasiirka ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yusuuf Ismaaciil.





Previous articleWasiirka Isgaadhsiinta Somaliland oo Kulan La Qaatay Madaxda EUCAP
Next articleKomishanka Doorashooyinka Qaranka oo Beeniyay Warar laga Faafiyay