Xeerka ciidanka Booliiska maamulka Hirshabelle oo maanta lasoo bandhigay (Sawirro)

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka  Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Haggar (Dabageed) ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda bandhigga xeerka ciidanka Booliska Hirshabeelle iyadoo lagu qabtay magaalada Jowhar.

Munaasabaddan waxaa soo agaasintay Wasaarrada Amniga Gudaha Hirshabeelle waxa kale oo goobjoog ahaa labada Gole ee Hirshabeelle, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Hirshabeelle iyo Taliyaha Ciidamada ATMIS ee Sector 5.

Xeerkan maanta lasoo bandhiggay waxaa horay u ansixiyay Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka  Hirshabeelle iyadoo uu saxiixay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Dabageed ayaa Wasaaradda Amniga ugu mahadceliyey wakhtiga ay geliyeen xeerkan iyo sida ay u guteen waajibka ka saarnaa in Ciidanka Booliska ay helaan xeer ay ku shaqeeyaan.

Ugu dambeyn ku-simaha Madaxweynaha ayaa faray Ciidanka Booliska Hirshabeelle inay ku dhaqmaan xeerkan si loo helo nabad-gelyo, wada shaqeyn iyo xiriir wanaagsan oo u dhaxeeyo Ciidanka iyo Bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleMadaxweyne Deni oo guddoomiyay Shir looga hadlay Shan qodob oo muhiim ah (Sawirri)