Madaxweyne Deni oo guddoomiyay Shir looga hadlay Shan qodob oo muhiim ah (Sawirri)

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiiradda ee maamulkaasi.

Siciid Deni ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka maqnaa dalka, waxa uuna maanta shir guddoomiyay muddo dheer kaddib shirka golaha Wasiiradda maamulka Puntland oo looga hadlay qodobo dhowr ah.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa todobaadkan looga hadlay.

1.Amniga.

2.Xaaladda Xabsiyada Puntland.

3.Xaaladda cudurada faafa sida shuban-biyoodka,

4. Dhagaysiga warbixinta Guddiga ka diyaar-garowga Saamaynta Roobabka.

5.Todobaadka dhireynta Puntland.

Dood iyo falaaqayn ka dib ayada oo laga duulayo siyaasadda maamulka Puntland waxa goluhu isku raacay dar dargalinta qodobada shaqo ee ka dhashay qodobada maanta goluhu ka dooday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleCiidamada Kenya oo Shaaciyay in ay dileen xubno katirsan kooxda Al Shabaab