Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland oo Kulan La Qaatay Madaxda EUCAP

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL Dr. Axmed Yusuf Idiris, ayaa shalay kulan la qaatay maamulaha mashaariicda hay’adda EUCAP Mr. Brendan KENNY iyo Saraakiil kale  oo ka tirsan EUCAP.

Waxaanu kulankaasi ka qabsoomay xarunta wasaaradda Isgaadhsiinta, iyo Tignoolajiyadda ee caasimadda Hargaysa.

Kulankaas oo ay ujeedadiisu ahayd is xog waraysi ku saabsan sidii loo horumarin lahaa wada shaqaynta wasaaradda Isgaadhsiinta iyo hay’adda EUCAP, la iskagana kaashan lahaa arrimaha Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda.

Wasiir Dr. Ahmed Yusuf Idiris, ayaa madaxda hay’adda ku bogaadiyay wada shaqaynta wanaagsan ee ay la leeyihiin guud ahaan  Somaliland gaar ahaana Ciidamada Ilaalada Xeebaha Badda JSL.

Iyadoo Wasaaraddu kala shaqayndoonta horumarinta dhinaca Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda ee ciidamada badda JSL.

Geesta kale madaxda ka socday hay’adda EUCAP ayaa wasiirka uga mahad celiyay kulanka uu la yeeshay, iyo sida ay iskula af-garteen qodobadii ay kulankaasi iskula soo qaadeen.