Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo Beeniyay Warar laga Faafiyay

Hargeysa(Dawan)Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland,ayaa beeniyay warar laga faafiyay oo sheegaya in la iibinayo Xarunta Guud ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Hargeysa.

War-saxaafadeed ka soo baxay Komishanka Doorashooyinka qaranku ayaa si adag loogu beeniyay wararka baraha bulshada lagu faafiyay ee lagu sheegay in la iibinayo xarunta komishanka doorashooyinka Qaranka.

Warsaxaafadeed shalay ay  soo saareen,ayaa u dhignaa sidan.
Komishanka Doorashooyinka Qaranka
waxa uu beeninayaa wararka been-abuurka ah ee lagu faafiyey baraha bulshada ee lagu sheegay in la iibinayo xarunta guud ee KDQ.
Sidaa daraadeed KDQ wuxuu ku wargelinayaa guud ahaan bulshada iyo saxaafadda Jamhuuriyadda  Somaliland   in warkaasi yahay wax-ba-kama-jiraan, waxaanu ku boorrinaynaa inay ka fogaadaan falkinta iyo faafinta wararka been-abuurka ah.





Previous articleWasiirka Arimaha Gudaha oo kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha Gobolada Dalka
Next articleDanjireyaasha Itoobiya u Fadhiya Maraykanka, Canada iyo Shiinaha oo Taageeray Heshiiska ay la Galeen Somaliland