Wararkii u dambeeyey dagaalo qaraar oo ka socda bartamaha Magaalada Khartuum

Dhinacyada ku dagaalamaya Sudan ayaa xalay iyo saaka mar kale isku fara saaray caasimadda Khartuum ka dib markii ay burbureen wadahadalo la doonayay in lagu joogteeyo xabad joojinta laguna yareeyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo.

Dadka ku nool Khartoum iyo Umdurman oo ku dhow ayaa sheegay in ciidanku ay dib u bilaabeen duqeymaha cirka, isla markaana ay adeegsanayeen madaafiic kale intii ay iska horimaadku socday.

“Dagaalkan aad ayaan ugu dhibtoonaynaa, tan iyo saaka waxaa dhacayay duqeymo culus waxaan ku noolnahay argagax” ayuu yiri Shehab al-Din Abdalrahman oo ku sugan degmo ku taal koonfurta caasimadda. .

Todobo toddobaad oo dagaal ah oo u dhexeeya ciidamada iyo xoogaga taageerada degdega ah ayaa burburiyay qaybo ka mid ah bartamaha Khartoum, kaasoo barakiciyey 1.2 milyan oo qof gudaha Sudan waxayna u direen 400,000 oo kale gobollada deriska la ah.

Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa khamiistii hakiyay wadahadaladii xabad joojinta ka dib markii xabad joojin ay dhexdhexaadinayeen ay burburtay, iyagoo ku eedeeyay dhinacyada inay qabsadeen guryo, goobo ganacsi iyo isbitaalo, ayna qaadeen weeraro iyo fulinta dhaq dhaqaaqyo militari oo la mamnuucay.

Washington ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay ganacsiyada ay leeyihiin ciidamada iyo RSF waxayna ku hanjabtay tallaabo dheeri ah “haddii ay dhinacyadu sii wadaan burburinta dalkooda”, sida uu sheegay sarkaal sare oo Maraykan ah.

Safiirka Sudan ee Washington, Mohamed Abdallah Idris, ayaa sheegay in dowladda iyo ciidanku ay weli si buuxda uga go’an tahay heshiiska xabbad joojinta.

Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeeyay xadgudubyada xabbad joojinta.

Tan iyo markii xukunka laga tuuray hoggaamiyihii muddada dheer Cumar Al-Bashiir sannadkii 2019-kii, dowladda Suudaan waxaa madax ka ahaa gole madax-bannaan oo uu hoggaaminayo taliyaha ciidamada Abdel-Fattah al-Burhan oo uu ku xigeen u ahaa madaxa RSF Mohamed Hamdan Dagalo, oo loo yaqaan Hemedti.

Ka dib markii ay dagaal galeen 15-kii April Burhaan ayaa sheegay in uu Hemdti ka saaray golaha, laamaha dowladdana ay weli la safan yihiin ciidanka.

In ka badan 100,000 oo qof ayaa ka qaxay weerarrada malayshiyaadka ee galbeedka Darfur oo u qaxay dalka jaarka ah ee Chad tan iyo markii uu dagaaladii ugu danbeeyay bilaawday, waxaana tiradu ay sii laba jibaarmi kartaa saddexda bilood ee soo socota, sida ay sheegtay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay Khamiistii.

Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay iyo hay’adda qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegay in bililiqada joogtada ah ay carqalad ku tahay dadaallada ay ku caawinayaan dadka reer Suudaan, iyagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay ixtiraamaan hawlaha bani’aadanimo.

WFP ayaa sheegtay in ay diiwaan galisay qasaaraha in ka badan 60 milyan oo dollar tan iyo markii uu dagaalku bilowday. UNHCR waxay sheegtay in labo ka mid ah xafiskeeda Khartoum la dhacay, bakhaarkeeda oo ku yaalla Ceel Cubeydana la beegsaday Khamiistii.

“Ilaa shalay waxaa hawada ka maqan mid ka mid ah shabkada Isgaarsiinta, maanta mid kale ayaa go’an, korontadii waa go’day, laakiin biyihii waa ay soo noqdeen,” ayuu yiri Cumar Ibraahim oo ku nool degmada Umdurmaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –