Xamaas oo muujisay suurtagalnimada heshiis laga gaaro dagaalka Qasa

Xamaas ayaa muujisay surtagalnimada heshiis xabbad-joojin ah oo la gaaro, kaddib markii ay Israa’iil oggalaatay isbeddelo ay ku sameysay soo jeedinteeda oo lagu aqbalay inta badan doonista Xamaas iyo wada-hadallo laga yeesho soo afjarida dagaalka.

Inta badan hoggaamiyayaasha Carabta, ayaa telefoon kula hadlay madaxa siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniya si loo gaaro horumar la xiriira wada-hadallada xabbad-joojinta.

Haniya ayaq u sheegay madaxa sirdoonka Masar Cabbaas Kamel inay Xamaas tixgelinayso soo jeedinta heshiiska xabbad-joojinta isagoo  muujiyay dareen wanaagsan sida lagu sheegay war ay baahisay Xamaas oo intaa ku daray in wafdi ka socda ururka uu tagi doono Qaahira si wada-xaajoodyada u furmaan.

PUNTLAND POST