Xiisad dagaal oo ka taagan duleedka Garoowe

Xiisad dagaal ayaa maanta oo Jimce ah ka aloosan jidka laamiga ah ee u dhexeeya Garoowe iyo Sinujiif.

Ciidamo ka tirsan dowladda oo ka yimid dhanka Gobolka Bari ayaa ku soo wajahan degaanka 22-aad, oo ay ku sugan yihiin ciidanka uu hoggaamiyo Jimcaale.

Xiisadda labada dhinac ayaa salka ku haysa qabashada doorashada saddexda degmo ee Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiraan.

PUNTLAND POST